DEG DEG Enzo Fernández oo ku biiray Kooxda Manchester City & lacago rikoor ah ………….

Sida uu sheegay Fabrizio Romano, Manchester City iyo Chelsea ayaa heshiis ka gaaray saxiixa Enzo Fernández, iyadoo lacagta heshiisku ay ka badan tahay £125 milyan kadib wada-hadallo dheer oo labada kooxood dhexmaray.

Chelsea ayaa ugu dambeyn ogolaatay iibinta xiddiga reer Argentina, waxaana Enzo Fernández uu hadda diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Manchester City, wararka ayaa sheegaya in Enzo Fernández uu si gaar ah u doonayay Manchester City, isagoo aan xiisaynaynin xulashooyin kale, 25-jirkan ayaa hadda loo diyaarinayaa baaritaanka caafimaadka  , kaasoo ah tallaabada ugu dambeysa ka hor inta aan heshiiska si rasmi ah loo dhammeystirin.

Manchester City ayaa muddo dheer raadineysay Enzo, waxaana muhiim ka ahaa doonista ciyaaryahanka iyo xiriirka uu la leeyahay tababaraha City, Enzo Maresca, oo horey uga soo shaqeeyay Chelsea, wararkii maanta waxay xaqiijinayeen in City iyo Chelsea ay galeen wada-hadallo toos ah, iyadoo Enzo uu si cad u muujiyay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Manchester, haddii lacagta lagu soo sheegay ay sidaas ku dhammaato, Enzo Fernández wuxuu noqonayaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu qaalisanaa taariikhda Premier League.

Warar kale ayaa xusay qiime ku dhow €135 milyan, halka warbixinno kale ay sheegeen in heshiisku ka badan yahay £125 milyan, Chelsea waxay hadda wajihi doontaa shaqo kale oo degdeg ah: inay hesho beddelka Enzo Fernández, kooxda ayaa horey u eegtay ciyaartoy ay ka mid yihiin Martin Zubimendi, Manu Koné, Lamine Camara, Alex Scott iyo Morgan Gibbs-White, Arsenal ayaa maanta diiday inay Chelsea kala hadasho iibinta Zubimendi, taasoo Chelsea ku qasabtay inay raadsato xulashooyin kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga