Xidhiidhka La Liga Iyo xidhiidhka kubada cagta ahaa si wada jir ah u diiday diwaan galinta Barcelona ee xiddiga Dani Olmo.
Kooxda Barcelona ayaa la daalaa dhacaysa dhaqaale xumo soo wajahday kooxda sanadihii ugu dambeeyay.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in xidhiidhka La Liga Iyo xidhiidhka kubada cagta Spain ay diideen diwaan galinta Barcelona ee xiddiga Olmo.
Barcelona ayaa haatan aadaysa maxkamada Sare ee Spain si ay racfaan uga qaataan go’aanka looga diiday diwaan galinta.
Xiddiga Dani Olmo ayaa si xor ah uga tagi kara kooxda Barcelona suuqa January hadii ay kooxdu diwaan galin waydo.
Be the first to comment