DEG-DEG: Arsenal vs Liverpool, Man United vs … – Isku-aadka Wareegga 3aad Ee FA Cup Oo La Shaaciyey

Isku-aadka wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup ayaa lagu dhawaaqay, waxaana isku beegmay kooxo aanu midkoodna jeclayn in uu midka kale ku arko waqtigan oo kale tartankan, sababtoo ah mid walba waxay ku jirtay kooxaha loo saadaalinayo.

Isku-dhaca ugu weyn ee wareegga saddexaad ee FA Cup ayaa noqday Arsenal iyo Liverpool oo qori-tuur la sameeyey isku beegmay, waxaanay midkood u gudbi doontaa wareegga afraad ee tartanka halka midda kalena ay hoygeeda ku laabanayso oo ay tartankan macasalaamayn doonto.

Arsenal ayaa garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelin doonta Liverpool oo ay iskugu yimaaddeen finalkii FA Cup ee 2001, hase yeeshee inta badan kooxaha kale ee waaweyn ayaa kala badbaaday.

Kooxda tartanka difaacaaysa ee Manchester City ayaa ku dhacday naadiga heerka labaad ee Huddersfield oo ay ku martigelin doonto garoonka Etihad Stadium, halka Manchester United ay foodda is-dari doonaan Wigan Athletic.

3ka kooxood ee tartankan ayaa waxa ay ku kala bixi doonaan min hal kulan oo kaliya, waxaana wareegga xiga ee afraad iskugu soo hadhi doona 16 kooxood oo loo samayn doono qori-tuur kale.

Kulamada wareegga saddexaad ayaa la ciyaari doonaa maalmaha Jimcaha illaa Isniinta ee January 5 illaa January 8, 2024, halka finalka lagu dheeli doono garoonka Wembley marka ay taariikhdu tahay May 25, 2024.

Isku-aadka wareegga saddexaad ee FA Cup oo dhamaystiran

  • Luton vs Bolton
  • Shrewsbury vs Wrexham or Yeovill
  • Arsenal vs Liverpool
  • Stoke vs Brighton
  • Norwich vs Crewe Alexandra
  • West Ham vs Bristol City
  • Tottenham vs Burnley
  • Fulham vs Rotherham
  • West Brom vs Aldershot or Stockport
  • Southampton vs Alfreton or Walsall
  • AFC Wimbledon or Ramsgate vs Ipswich
  • Peterborough vs Leeds
  • Millwall vs Leicester
  • Watford vs Chesterfield or Leyton Orient
  • Sunderland vs Newcastle
  • Sheffield Wednesday vs Cardiff City
  • Crystal Palace vs Everton
  • Middlesbrough vs Aston Villa
  • Nottingham Forest vs Blackpool or Forest Green Rovers
  • Wigan vs Man Utd
  • Man City vs Huddersfield
  • Blackburn vs Cambridge
  • Gillingham vs Sheffield United
  • Swansea City vs Morecambe
  • Chelsea vs Preston North End
  • QPR vs Bournemouth
  • Coventry City vs Oxford United
  • Brentford vs Wolves
  • Plymouth Argyle vs Sutton United
  • Maidstone United vs Stevenage or Port Vale
  • Newport County or Barnet vs Eastleigh or Reading
  • Hull City vs Birmingham City

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga