Carlo Ancelotti Oo Xaqiijiyey Dhaawaca Xiddig Laf-dhabar Ah U Ah Real Madrid

Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey, in ciyaartii xalay ay 2-0 kaga adkaadeen Granada uu kaga dhaawacmay xiddig laf-dhabar u ah naadigiisa oo baadhitaanno lagu samayn doono maalmaha soo socda, kahor inta aan la shaacin waqtiga uu garoomada kusoo laabanayo.

Ancelotti oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu xaqiijiyey, in uu dhaawac ku baxay difaaca reer Spain ee Dani Carvajal oo muruqa ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii Granada, taas oo la beddelay waqtigii nasashada.

Wariyaha ciyaaraha ee Melchor Ruiz oo ku sugan Spain ayaa waxa uu sheegay, in Dani Carvajal aanu fursad u haysanin ciyaarta Sabtida toddobaadka dambe ee Real Betis, isla markaana la sugayo tijaabada caafimaadka ee lagu samayn doono Isniinta.

Dani Carvajal ayaa liiska dhaawacyada kula biiray Luka Modric oo labadii kulan ee ugu dambeeyey ka maqnaa, Eder Militao, Thibaut Courtois, Eduardo Camavinga, Vinicius Junior iyo Aurelien Tchouameni.

Inkasta oo aanu dhaawaciisu waqti dheer ahayn, haddana Real Madrid ayaa waxay difaaca midig ka dheelsiin doonaa Lucas Vazquez oo beddel ku yimid ciyaartii Granada iyo sidoo kale Nacho Fernandez oo isaguna ka ciyaari kara difaaca midig marka looga baahdo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga