DEG-DEG: Xiddigii Chelsea Ee La Sugayey Maanta Oo Garoonka Laga Waayey

Inkasta oo lagu soo daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee maanta, haddana waxa uu tababare Mauricio Pochettino liiska ugu dambeeyey ee shaxda kusoo bilaabatay iyo kursiga kaydkaba ka saaray weeraryahanka ay taageereyaasha Chelsea muddada dheer sugayeen ee Christopher Nkunku.

Mauricio Pochettino ayaa afar isbeddel ku sameeyey safkii uul-darrada murugada leh kasoo hooyey ciyaartii Newcastle United, waxaana ka maqan Reece James iyo Marc Cucurella oo ganaax ah, waxaana beddelay Axel Diasi iyo Levi Colwill.

Waxa kalke oo kusoo bilowday saxeexa ugu qaalisan Premier League ee Moises Caicedo oo booska kala baxay Lesley Ugochukwu, halka Mykhailo Mudryk uu booska ka cidhiidhsaday Cole Palmer, iyadoo wali ay maqaneyaal yihiin Romeo Lavia iyo Chistopher Nkunku.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Chelsea XI: Sanchez, Disasi, Badiashile, Silva, Colwill, Fernandez, Gallagher, Caicedo, Sterling, Jackson, Mudryk.

Kaydka: Petrovic, Bergstrom, Madueke, Broja, Palmer, Maatsen, Deivid, Gilchrist, Matos.

Brighton XI: Steele, Veltman, Julio, Van Hecke, Hinshelwood, Gilmour, Baleba, Adringra, Lallana, Buonanote, Ferguson.

Kaydka: Verbruggen, Milner, Pedro, Gross, Moder, Mitoma, Baker-Boaitey, Kavanagh, O’Mahony

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga