DEG-DEG: Aaron Ramsdale Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Koox Premier League

Xiddiga kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaaday in uu u dhaqaaqo kooxda Newcastle United inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Goolhayaha 26 jirka ayaa booskiisa u waayay Goolhaye David Raya kaas Oo ah dookha 1-aad ee kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Markan sannadkii hore, ciyaaryahankii hore ee Sheffield United Ayaa u sharaxnaa in uu u dagaalamo booska xulka Qaranka England.

Kadib xilli ciyaareed niyad jab leh, saxafiga Sky Sports James Green ayaa sheegaya in Ramsdale uu ogolaaday inuu ka tago Arsenal.

Wararka ayaa sheegaya in 26-sano jirkaan uu saxiixay heshiis uu ugu biirayo kooxda Newcastle.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga