De Zerbi? Alonso? Amorim? Tababarayaasha Ay Man City Ka Dooran Doonto Badalka Guardiola

Tababaraha Man City pep Guariola ayaa lagu Soo waramayaa in uu isaga tagayo kooxda mAn city sanadka 2025.

Guardiola ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Man City.

Guardiola ayaa xilli ciyaareedka dambe hogaamin doona xilli ciyaareedkii 9-aad.

City ayaa isku diyaarinaysa bixitaanka tababaraha waxana ay raadinayaan Badalka ugu macquulsan.

Man City ayaa shaki la’aan diyaarin doonta liis tababarayaal Badan Oo ay ka dooran Doonto Badalka Guardiola tababarayaasha Roberto De Zerbi, Xabi Alonso, Ruben Amorim, Michel iyo waliba Vincent Kompany ayaa ka mid ah tababarayaashaa man city qiimayn Doonto.

Sidoo kale Enzo Maresca, Zinedine Zidane, Julian Nagelsmann, Luis Enrique iyo Kieran McKenna ayaa ka mid ah tababarayaashaa man city la socon doonto Xilli ciyaareedka dambe.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga