De Bruyne, Foden, Diaz, Alisson, Alvarez & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Kooxda Bournemouth ayaa u sheegtay Arsenal in ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Dominic Solanke (Express).

Kooxda Man City ayaa heshiis cusub u soo bandhigaysa xiddiga Phil Foden si ay uga dhigto xiddigaha ugu mushaharka badan Premier League (Sun).

Kooxda Man United ayaa la filayaa in ay dhamaystirto saxiixa daafaca Jarrad Branthwaite ka hor 30 Bisha June kadib markii laga reebay waajibaadka xulka qarankiisa England (LIVERPOOL ECHO).

Kooxda chelse yaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso xiddiga Man City ee Julian Alvarez (Standard).

Man City ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay u sii haysan lahayd xiddiga Julian Alvarez (Fabrizio Romano).

Kooxda Barcelona ayaa Liverpool ula tagaysa qorshe ay lacag Iyo aliba Xiddiga Raphinha isugu raacinayso si ay u hesho saxiixa Luis Diaz (Express).

Kooxda Benfica ayaa Man United ka diiday dalabkii 2-aad ee ay Red Devils ku doonaysay saxiixa Joao Neves iyada oo dalabkii hore ahaa 51 milyan (A Bola).

Lukaku ayaa albaabka u furay in uu u dhaqaaqo horyaalka sucuudiga (BBC).

De Bruyne ayaa sidoo kale laftiisa aan albaabka ka xidhin in uu ka dago horyaalka sucuudiga (BBC).

Liverpool ayaa diidi doonta dalab walba oo ay Kooxaha sucuudigu ka soo gudbiyaan Alisson suuqa xagaaga (Echo).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga