Da’yarka Man United Ee Kobbie Mainoo Oo La Bar-Bar Dhigay Halyeey U Ciyaara Real Madrid.

Daaficii hore ee Manchester United Nemanja Vidic ayaa amaanay xiddiga Kobbie Mainoo kulankii Liverpool, isagoo barbar dhigay Luka Modric.

Gool uu dhaliyay Mainoo ayaa Red Devils ka caawiyay in ay bar-baro la galaan kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee 18-sano jirka ah ayaa haatanba la bar-bar dhigay Paul Scholes iyo Clarence Seedorf.

Vidic ayaa hadda sheegay in Mainoo uu xasuusinayo xiddiga Real Madrid ee Modric oo lagu tilmaamo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican khadka dhexe taariikhda kubada cagta.

“Mainoo waxa uu ahaa mid cajiib ah” Vidic ayaa u sheegay Premier League Productions.

“Gaar ahaan in uu ka war qabo waxa ka dhacaya hareerihiisa, waxa uu i xasuusiyaa Modric”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga