Weeraryahanka Liverpool Darwin Nunez ayaa magaciisa ku soo daray sheeko-xariireedka Reds isagoo guul 1/0 ah ku hogaamiyay kooxdiisa kulan ay premier Legaue ka badiyeen kooxda Nottingham Forest kulan ka dhacay garoonka City Ground.
Xiddiga reer Uruguay ayaa taam u noqday inuu kursiga keydka ku bilowdo kadib markii ka soo kabsaday dhaawac uu garoomada uga maqnaa in muddo ah.
Xiddiga ayaa daqiiqadii 99-aad dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa isaga oo madax ku badalay baas cajiib ah oo uu ka helay xiddiga Alexis MacAllister.
Kadib goolka xiddiga Uruguay ayaa dhaliyay goolkii ugu wakhtiga dambeeyay ee taariikhda horyaalka premier League waana goolkii 7-aad ugu wakhtiga dambeeyay ee laga dhaliyo prmeier Legaue.
Nunez ayaa haatan dhaliyay isla markaas caawiyay 10 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedkan premier League.
Be the first to comment