Man City Vs Man United: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray Ka Hor Kulanka Axada.

Qeybtii ugu dambeysay ee kulanka Manchester Derby ayaa ka dhici doona garoonka Etihad Stadium galabnimada Axada, iyadoo Manchester City ay soo dhaweyn doonto Manchester United kulan ka tirsan premier League.

Labada kooxood ayaa horaantii Isbuucaan ciyaaray kulamo ka tirsanaa koobka FA Cup-ka iyada oo Man City 6/2 ku garaacday Luton halka ay United 1/0 kaga badisay kooxda Nottingham Forest.

Dhanka kale Man City ayaa guul ka gaartay Bournemouth todobaadkii hore, laakiin Man United ayaa guuldaro 2-1 ah kala kulantay Fulham kulankoodii ugu dambeeyay ee horyaalka England.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku jirta kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka, iyagoo hal dhibic ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Liverpool, halka Man United ay ku jirto kaalinta lixaad, iyadoo seddex dhibcood ka hooseysa Tottenham Hotspur oo ku jirta kaalinta shanaad, halka Aston Villa ay ku jirto kaalinta afaraad.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah kuwaas oo aad u tayo badan qaab ciyaareed fiicana soo bandhigay.

Ka hor kulanka Axada waxa la soo bandhigay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 8 xiddig halka ay Man United shaxda ku leedahay kaliya 3 xiddig.

MNC-MNU combined XI

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga