Liverpool Oo Loo Sheegay In Si Khalad Ah Ku Badisay Kulankii Nottingham Forest

Garsoorihii hore ee Mark Clattenburg muujiyay fikirkiisa in guushii Liverpool ay ka gaartay Nottingham Forest aysan aheyn mid sax ah.

Liverpool ayaa garaacday kooxda Nottigham Forest kulan uu Darwin Nunez dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 99-aad ee ciyaarta.

Clattenburg ayaa aaminsan in ciyaarta goolku ay ku bilaabatay si khaldan oo aan sharciga waafaqsanayn sida uu qabo.

Dhacdada ayaa ku bilaabatay dhaawac soo gaaray daafaca Liverpool ee Konate, wuxuuna garsooraha ciyaarta joojiyay xilli garsooruhu kubada siiyay Goolhayaha Liverpool ee Caoimhin Kelleher.

Clattenburg oo la hadlaya BeIN Sports Ayaa yidhi”“Sharcigu wuxuu dhigayaa in haddii garsooraha uu joojiyo ciyaarta, kubaddu marka ay ciyaarta dib u bilaabato waxay ku soo laaban doontaa kooxdii gacanta ku haysay ka hor inta aan la joojin sidaas darteed waxa ay ahayd in kubada lagu celiyo gacanta Nottingham Forest”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Sharciga ciyaarta ayaa ku cad arinkan, marka uu garsooruhu seerigiisa afuufo, kooxda kubbada haysatay waa in ay ku soo celiyaan haysashada ka dib dib u bilaabashada ciyaarta”.

Khabiirka dhexdhexaadinta ayaa ku daray: “Markii Liverpool lagu abaalmariyey kubad haysasho, kooxdu waxay soo weerartay oo ay dhalisay gool dhamaadkii.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga