Caawa Waxa hadal heyn xoogan ka dhalatay saxiixyada suuqa lagula kala wareegayo waxaana ugu horeeya xidiga Pedro Neto, sidoo kale Diamonde ayaa war culus uukasoo kordhay & Wararkii ugu dambeeyey ayaan kuu heynaa suuqa & dhaq dhaqaaqiisa :-
Manchester City oo xiriir la sameysay Pedro Neto
- Manchester City ayaa maanta xiriir rasmi ah la sameysay wakiilka Pedro Neto si ay u ogaato suurtagalnimada ay ugu wareegi karo kooxda.
- Tababare Enzo Maresca ayaa si weyn u doonaya Neto, maadaama uu si fiican u yaqaan xiddiga reer Portugal xilligii ay Chelsea wada joogeen.
- City waxay baadi-goob ugu jirtaa garab weerar cusub iyadoo Savinho laga yaabo inuu kooxda ka tago.
- Chelsea weli kama aysan dhigin Neto liiska ciyaartoyda iibka ah, balse haddii dalab weyn la keeno waxay diyaar u noqon kartaa inay ka xaajooto.
- Wadahadallada u dhexeeya Manchester City iyo wakiilka Neto ayaa socda, waxaana hadda la sugayaa qiimaha ay Chelsea dalban doonto.
Tottenham oo weli ku raad joogta Savinho iyo Cody Gakpo
- Pedro Neto ayaa sidoo kale ka mid ah ciyaartoyda Tottenham ay gudaha kooxda kaga doodday haddii heshiiska Savinho uu fashilmo.
- Si kastaba ha ahaatee, Savinho ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Spurs, waxaana la rumeysan yahay inuu fursad weyn u leeyahay inuu ku biiro kooxda ka hor xiritaanka suuqa.
- Tottenham waxay sidoo kale xiisaynaysaa Cody Gakpo.
- Kooxdu waxay la xiriirtay dadka ku dhow Gakpo si ay u ogaato qiimaha iyo fursadaha heshiiska.
- Liverpool ayaan dooneyn inay iibiso Gakpo, maadaama uu ka tirsan yahay qorshaha muhiimka ah ee kooxda.
Chelsea oo ku dhow saxiixa Pep Chavarria
- Chelsea waxay sii waddaa dhaqdhaqaaqeeda suuqa kala iibsiga kadib saxiixyadii Danny Welbeck iyo Jordan Henderson.
- Kooxdu waxay isku diyaarinaysaa inay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda.
- Dalabkii Chelsea ee Pep Chavarria ayaa gaaray ku dhowaad 19 milyan oo euro, waxaana heshiisku marayaa heerkii ugu dambeeyay.
- Chavarria ayaa heshiis shaqsiyeed la gaaray Chelsea.
- Tababaraha Chelsea ayaa muddo dheer la socday ciyaaryahankan, wuxuuna doonayaa inuu kooxda keeno.
- Waxaa la filayaa in heshiiska si rasmi ah loo shaaciyo saacadaha ama maalmaha soo socda.
Nicolas Jackson iyo Tottenham
- Warar badan ayaa laga qoray Nicolas Jackson iyo Tottenham.
- Si kastaba ha ahaatee, heshiis dhow ama wadahadal horumaray ma jiro.
- Jackson waa magac kaliya oo gudaha Tottenham laga hadlay, balse mudnaanta koowaad ma aha.
- Aston Villa ayaa si dhab ah u doonaysa weeraryahanka Chelsea.
- Villa waxay rabtaa inay si joogto ah u iibsato Jackson, maadaama aysan mar kale amaah uga qaadan karin Chelsea xagaagan.
- Tababare Unai Emery ayaa xiriir wanaagsan la leh Jackson, wuxuuna jeclaan lahaa inay mar kale wada shaqeeyaan.
Bruno Guimarães oo qarka u saaran Arsenal
- Heshiiska Bruno Guimarães ee Arsenal ayaa maraya heerkiisii ugu dambeeyay.
- Arsenal iyo Newcastle waxay dhameystirayaan faahfaahinta qaabka lacag bixinta.
- Qiimaha heshiiska ayaa lagu qiyaasayaa £75 milyan.
- Bruno wuxuu hore ula heshiiyay Arsenal dhinaca qandaraaska.
- Waxa uu hadda sugayaa oo keliya wicitaanka ugu dambeeya si uu caafimaadka ugu maro una saxiixo heshiiska.
- Waxaa la filayaa in heshiiska la dhammeeyo saacad kasta ama maalmaha dhow.
- Mikel Arteta ayaa muddo dheer u arkayay Bruno bartilmaameedkiisa ugu weyn ee khadka dhexe.
Yan Diomande oo ku sii jeeda Real Madrid
- Fabrizio Romano ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin in Yan Diomande uu ku biiri doono Real Madrid.
- Waxaa harsan oo keliya tallaabooyinka rasmiga ah ee heshiiska.
- Wakiillada ciyaaryahanka iyo Real Madrid ayaa maanta mar kale wada hadlay.
- Waxaa la sugayaa oggolaanshaha kama dambaysta ah si ciyaaryahanku ugu safro caafimaadka iyo saxiixa heshiiska.
- Romano wuxuu sheegay in arrintu aysan wax xiriir ah la lahayn wararka sheegaya inuu xanuunsanaa, balse heshiisku si deggan ayuu u socdaa.
Nottingham Forest oo xiisaynaysa Tijjani Reijnders
- Nottingham Forest ayaa muujisay xiisaha ay u qabto khadka dhexe ee Tijjani Reijnders.
- Waxaa la filayaa in magaca Reijnders uu noqdo mid ka mid ah sheekooyinka ugu waaweyn ee suuqa kala iibsiga maalmaha soo socda.
Be the first to comment