Phil Foden ayaa hadal-heyn badan dhaliyay kadib markii Manchester City ay 1-0 kaga adkaatay Manchester United ciyaartii Derby-ga Manchester ee ka dhacday garoonka Old Trafford, Manchester City ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda ay xafiiltamaan, waxaana goolka kaliya ee ciyaarta dhaliyay Erling Haaland daqiiqaddii 60-aad ee qeybtii labaad, Laakiin dhacdadii ciyaarta kadib ayaa si gaar ah indhaha loogu jeediyay Phil Foden.
Xiddiga reer England ayaa ciyaarta kaarka cas lagu siiyay daqiiqaddii 23-aad ee qeybtii hore, kaddib markii uu gacan ula tegay Bruno Fernandes oo ka tirsan Manchester United, Inkasta oo Foden uu ciyaarta ka maqnaa inta badan kulanka, haddana markii ay ciyaartu soo dhammaatay ayuu garoonka ka baxay isagoo si toos ah ula falgalaya taageerayaasha Manchester United.
Foden ayaa intii uu garoonka ka baxayay u tilmaamay taageerayaasha United natiijada ciyaarta, isaga oo xusuusinayay in kooxdiisu 1-0 ku adkaatay, Tallaabada uu qaaday xiddiga Manchester City ayaa si weyn uga careysiisay qaar ka mid ah taageerayaasha Manchester United, iyadoo muuqaalka dhacdadan uu si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada, Guusha Manchester City ayaa noqotay mid gaar ah, maadaama ay ku timid garoonka Old Trafford, halka goolka Haaland uu noqday midka go’aamiyay natiijada Derby-ga.
Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa weli muran badan ka taagan yahay, gaar ahaan goolka Haaland iyo go’aankii VAR, halka Foden-na uu kulanka kadib sii kordhiyay hadal-heynta isagoo fariin muuqata u diray taageerayaasha kooxda martida loo ahaa.
Mr 115 charges Fc Phil foden thinks he has jokes trying to troll Manchester United fans leaving old Trafford!#philfoden #theeyetest #manchestercity #manchesterunited #oldtrafford pic.twitter.com/YaNd1azRHL
— Theeyetest (@TheEyeTest_1) September 13, 2026
Be the first to comment