Ronaldo Mise Messi? Erling Haaland Oo Doortay Shaxdiisa 5-ta Dhinac

Xiddiga kooxda Manchester City Erling Haaland ayaa soo xushay kooxdiisii ​​ugu dambaysay ee shanta dhinac ah.

Xiddiga reer Norway ayaan isagu isku darin shaxda isaga oo Ronaldinho Ka dhigay xiddiga ugu horeeya ee uu doortay.

Haaland ayaa ka yaabsaday adduunka isaga oo hal mar wada doortay xiddigaha Messi iyo Ronaldo.

Sidoo kale waxa uu shaxdiisa dhinaca daafaca iyo Goolka dhigay Halyeeyada Paolo Maldini iyo Iker Casillas.

Haaland ayaa la waydiiyay in uu doorto 5 xiddig waxana uu yidhi”Waxa aan Ku bilaabayaa Ronaldinho, Messi, Ronaldo iyo Maldini”.

“Hadii aan u baahanahay Goolhayye waxa aan dooranayaa Casillas”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga