Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay xaaladda kooxdiisa ka hor kulanka Premier League ee ay Sabtida kula ciyaarayaan Brighton garoonka Amex Stadium, isagoo bixiyay wararkii ugu dambeeyay ee ciyaartoyda, murankii garsoorka ee kulankii Sunderland iyo kulanka Brighton.
Arteta ayaa sheegay in Ben White xaaladdiisu wanaagsan tahay, isagoo sidoo kale tilmaamay in Jurrien Timber, Cristhian Mosquera iyo Piero Hincapié ay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan tababarka, Tababaraha ayaa sheegay in Arsenal ay yeelan doonto tababar kale si loo hubiyo heerka taam ahaanshaha ciyaartoyda ka hor kulanka.
Arteta ayaa la weydiiyay hadallada Jamie Carragher ee ahaa in tababaraha Arsenal uu hadda leeyahay awood uu ku saameyn karo garsoorayaasha marka uu si cad uga hadlo khaladaadka garsoorka, Arteta ayaa arrintaas diiday, isagoo sheegay in ujeeddadiisu tahay inuu ra’yigiisa dhiibto, kooxdiisa difaaco, isla markaana uu u sameeyo waxa ugu wanaagsan ciyaartoydiisa, Wuxuu qiray in isaga laftiisu mararka qaar qalad samayn karo, balse uu isku dayayo inuu mar walba si toos ah oo cadaalad ah uga hadlo arrimaha.
Markii la weydiiyay haddii Arsenal ay jawaab ka heshay Pro Ref kadib codsigii ahaa in dib loo eego go’aankii muranka dhaliyay ee kulankii Sunderland, Arteta wuxuu sheegay in wada-hadalkaasi uu yahay mid gaar ah, isla markaana uu sida caadiga ah ahaan doono mid sir ah, Sidoo kale, markii la weydiiyay haddii uu doonayo raalli-gelin sida Manchester United loo siiyay, Arteta wuxuu sheegay in arrintu aysan ku saabsanayn raalli-gelin.
Wuxuu sheegay in waxa muhiimka ahi yahay in la isla fahmo in go’aanka garsoorku uu sax ahaa ama uu ahaa mid ay ahayd in si kale loo qaato, kadibna dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii ciyaarta loo horumarin lahaa, Arteta ayaa sidoo kale ka hadlay tababaraha Brighton Fabian Hurzeler, isagoo muujiyay ixtiraam weyn oo uu u hayo shaqada uu qabtay iyo horumarka Brighton, Hurzeler ayaa hore uga hadlay qaab ciyaareedka Arsenal iyo waqtiga ay isticmaalaan marka ay ciyaarta hoggaaminayaan, waxaana markii dambe laga sheegay inuu Arteta raalli-gelin ka bixiyay hadalladii hore.
Arteta ayaa sheegay in waxa Hurzeler iyo Brighton ay qabteen ay yihiin wax uu si weyn u ixtiraamayo, isagoo intaas ku daray inuu filayo in kulanka Brighton uu noqon doono ciyaar qurux badan oo daawadayaashu ku raaxaystaan.
Be the first to comment