
Kooxda chelsea ayaa shaacisay lambarada ay xiddigaha cusub u xidhan doonaan kooxda kadib markii ay ku soo biireen.
Blues ayaa ah kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan suuqa kala iibsiga kooxaha waaweyn ee horyaalka premier League iyada oo saxiixyo badan samaysay.
Kooxda Chelsea ayaa haatan shaacisay lambarada ay kooxda u xidhan doonaan xiddigaha ku soo biiray ee ku cusub.
Tosin Adarabioyo ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee lagu dhawaaqay xagaagan ayaa kooxda Chelsea u xidhan doona Lambarka No.4.
Kiernan Dewsbury-Hall ayaa ku jira booska uu ku sii haysan karo lambarka 22 ee uu ku haysto Leicester City. Mar kale, ma jiro ciyaaryahan Chelsea ah oo haystay funaanaddaas 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
Saddexda ciyaartoy ee da’da yar ee Omari Kellyman, Marc Guiu iyo Renato Veiga ayaa xiran doona 37, 38 iyo 40 inta lagu guda jiro safarka ka horeeya xilli ciyaareedka ee Mareykanka.
Be the first to comment