Bruno Fernandes ayaa ku booriyay madaxda cusub ee Manchester United in ay sameeyaan saxiixyo waaweyn suuqa kala iibsiga xagaagan ka hor inta uuna u saxiixin kooxda heshiis cusub.
Kabtanka United ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxda usbuucii hore, isagoo sii joogaya Manchester ilaa 2027.
Waxa ay soo afjartay shaki ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer Portugal ee kooxda ka dib hadaladii dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kuwaas oo shaki galiyay in uu wali sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedkan.
Halka Erik ten Hag uu kooxda ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka, kooxda ayaa si xun ugu dhacday kaalinta 8-aad ee horyaalka premier League.
Waxa jiray warar sheegaya in ay Man United xitaa ka fiirsan doonto dalabyada u imanaya Kabtanka kooxda.
United ayaa samaysay afar saxiix xagaagan iyaga oo keensaday Joshua Zirkzee, Leny Yoro, Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui si ay kooxda u xoojiyaan.
Fernandes Ayaa sheegay in ay kooxdu diyaar u tahay xilli ciyaareedka kadib xoojintii ay sameeyeen.
“Kooxdu waxay ogaatay inaan doonayo inaan la tartamo kooxaha ugu fiican. Waxay ogaayeen inaan u baahanahay inaan horumarino kooxda. Waxaana u maleynayaa inaan taas sameyneyno, ”Fernandes ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee United.
“Sida iska cad, waxaan ku idhi: “Uma baahni inaad ii ballanqaaddo inaan ku guuleysan doonno horyaalka.” Sababtoo ah qofna taas ma ballan qaadi karo”.
“Laakiin ugu yaraan waxaan heli doonaa koox aan ku tartano oo aan la tartami karno kooxaha kale xilli ciyaareedka, si aan isugu dayno inaan ku guuleysano koob iyo inaan u tartano heerarka ugu sarreeya”.
“Waxay ila tahay in kooxdu ay sidaas samaynayso. Waxay isku dayaysaa inay xiddigo keento si aan u helno xiddigo fiican oo tayo leh”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment