Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Europa League.

Kooxda Liverpool ayaa heshay war fiican kadib markii uu xiddiga Mohamed Salah ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda.

Liverpool ayaa galaysa wakhti xasaasi ah iyaga oo ciyaari doona kulamo badan oo muhiim ah wakhtiga soo socda.

Salah ayaa garoomada ka maqnaa tan ilaa markii uu aaday waajibaadka xulka qarankiisa Masar.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa ku dhaawacmay tartanka Africa oo uu kala qayb galay xulka qarankiisa Masar.

Xiddiga ayaa ka maqnaa kulamo dhawr ah tan ilaa markii uu aaday waajibaadka xulka qarankiisa.

Laakiin Salah ayaa haatan si buuxda ugu soo laabtay tababarka ka hor kulamada ay kooxdiisu ciyaari doonto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga