Barcelona vs Atlético Madrid: Waxaa la xaqiijiyay waqtiga iyo garoonka Semi-finalka Super Cup-ka Spain

Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Spanish Super Cup 2027, kaas oo lagu qaban doono magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha Febraayo ee sanadka soo socda, Tartankan waxaa ka qeyb galaya afar kooxood oo helay xaqa ay ugu ciyaarayaan koobka, kuwaas oo kala ah Barcelona, Real Madrid, Real Sociedad iyo Atlético Madrid, Barcelona ayaa tartanka kusoo gashay iyadoo ah horyaalka LaLiga, halka Real Madrid ay tahay kooxda ku dhamaysatay kaalinta labaad ee horyaalka.

Dhanka kale, Real Sociedad ayaa tartanka u timid iyadoo ah kooxda ku guuleysatay Copa del Rey, halka Atlético Madrid ay tahay kooxda ku dhamaysatay kaalinta labaad ee Copa del Rey, Barcelona ayaa semi-finalka Super Cup-ka Spain waxay wajihi doontaa Atlético Madrid, kulan adag oo lagu kala saari doono labada kooxood.

Kulanka ayaa la ciyaari doonaa:

📅 Talaado, 2-da Febraayo 2027
🏟️ Şükrü Saracoğlu Stadium – garoonka Fenerbahçe
⏰ 8:00 fiidnimo – waqtiga Masar iyo Sacuudiga

Labada kooxood ayaa u dagaallami doona booska ay ugu gudbi karaan finalka Super Cup-ka Spain, kaas oo la ciyaari doono 6-da Febraayo.

Barcelona ayaa tartanka ku soo galaysa iyadoo ah kooxda ku guuleysatay labadii koob ee ugu dambeeyay, Kooxda Catalan-ka ayaa labada jeer ee ugu dambeysay finalka kaga adkaatay Real Madrid, taasoo ka dhigtay inay mar kale fursad u hesho inay difaacato koobka, Finaladii ugu dambeeyay waxaa Barcelona kula kulantay Real Madrid iyadoo markaas kooxda Madrid ay hogaaminayeen tababarayaal kala duwan, waxaana Barça labada jeerba gacanta ku dhigtay koobka.

Super Cup-ka Spain 2027 ayaa markii ugu horreysay muddo kadib lagu qabanayaa Istanbul, kadib markii sannadihii lasoo dhaafay tartanka lagu qaban jiray Sacuudiga, Labada semi-final waxaa la ciyaari doonaa 2-da iyo 3-da Febraayo, halka finalka la qorsheeyay 6-da Febraayo 2027, Semi-finalka kale waxaa isku wajahaya Real Madrid iyo Real Sociedad, taasoo ka dhigan in haddii Barcelona iyo Real Madrid ay labadooduba kasoo gudbaan semi-finalka, ay mar kale isku arki karaan finalka Super Cup-ka Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga