Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedsanayso weeraryahanka Arsenal Viktor Gyökeres, iyadoo kooxda reer Catalonia ay u aragto xulasho beddel ah haddii ay ku guuldarreysato inay lasoo wareegto xiddiga Atletico Madrid Julian Alvarez.
Barcelona ayaa mudnaanta koowaad siisay Alvarez inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana la sheegayaa in weeraryahanka reer Argentina uu isaguna doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona.
Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaan diyaar u ahayn inay iibiso Alvarez, iyadoo horey u diiday dalab weyn oo gaaraya £130 milyan oo uga yimid Real Madrid, Atletico ayaa sidoo kale si adag uga hortimid xiisaha Barcelona ee ciyaaryahankeeda.
Arrintaas ayaa keentay in Barcelona ay bilowdo raadinta weeraryahanno kale oo ay u aragto inay noqon karaan beddelka Alvarez.
Sida laga soo xigtay El Chiringuito, Viktor Gyökeres ayaa ka mid ah xulashooyinka Barcelona ay u diyaarsatay xoojinta weerarkeeda, Warbixintu waxay intaas ku dartay in kooxda Catalonia ay qorsheynayso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka reer Sweden saacadaha soo socda.
Geesta kale waxa arinkaasi ku khilaafay wariye Fabrizio Romano oo sheegay ilaa hada inuusan jirin wax isku day ah ama qorshe oo barcelona ila hada udagan si ay laacibkan ula soo wareegto.
Gyökeres, oo hadda u ciyaara Arsenal, ayaa Barcelona u muuqda weeraryahan awood u leh inuu xoojiyo safka hore haddii heshiiska Julian Alvarez uu fashilmo.
Be the first to comment