Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa qarka u saaran inuu ku soo laabto garoomada ka dib dhaawac Soo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay.
Laacibka reer Brazil ayaa lagu soo daray safka hore ee Gunners kulankii West Ham kulan horyaalka ah bishii hore, si kastaba ha ahaatee, waxa uu qaatay kaliya 45 daqiiqo ka hor inta aan lagu bedelin Jakub Kiwior.
Tababare Mikel Arteta ayaa markii dambe xaqiijiyay in Gabriel uu ku qasbanaaday in la badalo sabab la Xidhiidha dhaawac ka Soo gaadhay kulankii Sporting Lesbon.
Daafaca dhexe ayaa seegay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee kala ahaa Man United, Fulham iyo Monaco.
Si kasta ha ahaatee wargayska Dialy Mail ayaa sheegay in xiddiga 26 jirka ah ku dhawyahay in uu ku Soo laabto garoomada kadib markii Uu Ka Soo kabsaday dhaawac muruqa ah.
Xiddiga ayaa la filayaa in uu taam u noqdo kulanka ay Arsenal la ciyaari doonaan Everton kulan ka tirsan Premier League.
Be the first to comment