Mudada Uu Diogo Jota Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Kooxda Liverpool ayaa ogaatay mudada uu xiddiga Diogo Jota ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga.

Xiddiga Diogo Jota ayaa ku dhawaacmay kulankii ay Liverpool garaacday kooxda Brentford kulan ka tirsanaa premier League.

Wararka ayaa sheegaya in uu Diogo Jota garoomada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah kadib dhaawacii soo gaadhay.

Diogo Jota ayaa ka badbaaday dhaawac halis ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Brentford ee premier League.

Jota ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa kulamo badan oo muhiim ah uguna horeeyo kulanka ay chelsea la ciyaari doonaan Final-ka Carabao cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga