Arsenal Oo Iska Diiday Fursad Ay Kula Saxiixanayso Benzema Suuqa January, Sabab.

Arsenal ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto Karim Benzema laakiin taas badalkeeda waxa ay ka fikirayaan in ay u dhaqaaqaan daafac sida ay sheegayaan wararku.

Benzema ayaa aad u doonaya in uu isaga tago kooxda Al-Itixaad kadib markii uu wax ka yar hal sano ku qaatay horyaalka Sucuudiga ee Pro League waxana xiddigan loo soo bandhigay kooxo badan oo yurub ah.

Arsenal ayaa dhinaca kale la soo saxiixashada weerarahan ka dhigtay muhiimadeeda suuqa January inkasta oo ay adagtahay in ay hesho weeraryahan sabab la xidhiidha xaaladeeda dhaqaale.

Sida laga soo xigtay Mailonline, Arsenal ayaa loo soo bandhigay saxiixa Benzema bilowgii bishan si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa iska diiday arintaas iyaga oo muhiimada siinaya saxiixa daafac cusub.

Dhinaca kale Benzema ayaa la rumaysan yahay in uu wadahadalo kula jiro kooxdiisii hore ee Lyon si uu ugu laabto bishan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga