Arsenal & Man United Oo Kusoo Biiray Tartanka Xiddig Ay Doonaysay Chelsea, Liverpool Oo U Yeedhatay Difaac Iyo Wararka Suua Ee Maanta

Chelsea ayaa go’aansatay in ay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Conor Gallagher oo 23 jir ah, kaas oo la sheegay in tababare Mauricio Pochettino uu saluugay qaabciyaareedkiisa.  (Mail)

Chelsea waxay kala dooranaysaa labada weeraryahan ee Ivan Toney oo 27 jir ah iyo Victor Osimhem oo u dhashay Nigeria da’diisuna tahay 24 jir. Kooxahan ayay Blues u bandhigaysaa in Conor Gallagher uu qayb ka noqdo heshiiska. (Mirror_)

Manchester United waxa ay donaysaa in Barcelona ay la gaadho heshiis ciyaartooyo is-weydaarsi ah oo Red Devils ay diyaar u tahay in Jadon Sancho uu tago Spain, sidoo kalena ay lasoo wareegaan Raphinha oo 26 jir reer Brazil ah. (Sport)

West Ham waxay 100% garab taagan tahay tababaraheeda David Moyes, inkasta oo 5-0 ay Fulha ku xasuuqday toddobaadkan. (Telegraph)

Liverpool waxay ka fiirsanaysaa in ay dib ugu yeedhato difaaca reer England ee Rhys Williams oo ah 22 jir u ciyaara Aberdeen oo uu amaah ku teay. (Mail)

Bayern Munich ayay wakiilladeedu Axaddii daawadeen ciyaartii ay Fulham 5-0 ku xasuuqday Fulham, sababtoo ah waxay u dhabbo-galayeen Joao Palhinha oo 28 jir ah. (90 Min)

Tottenham waxay heshiis waqti dheer ah la gashay difaaca Talyaaniga ee Destiny Udogie oo 21 jir ah. (Fabrizio Romano)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga