Iska Illow Fernandes iyo Maguire! Rio Ferdinand Oo Magacaabay Ciyaartoyga Uu Ka Dhigi Lahaa Kabtanka Manchester United

Rio Ferdinand ayaa rumaysan in Manchester United ay ku qalqantay in ay kabtankeeda ka dhigato Bruno Fernandes oo uu ku sifeeyey ciyaartoy caaddifaddiisu badan tahay oo aan ahayn hogaamiye dabiici ah, waxaana uu doortay ciyaartoy kale oo ay ahayd in Erik ten Hag uu ka dhigo kabtanka kooxda markii uu ka qaaday Harry Maguire.

Erik ten Hag ayaa go’aan weyn qaatay xilli-ciyaareedkii hore, waxaana uu masuuliyadda kabtannimada kooxda ka xayuubiyey Harry Maguire isaga oo u dhiibay Bruno Fernandes, laakiin magacaabista xiddiga reer Portugal ayaa hadal-hayn abuurtay.

Rio Ferdinand oo la hadlayay saxaafadda ayaa su’aal geliyey hoggaaminta laacibkan oo uu ku eedeeyey inuu u badheedhay kaadh huruud ah oo uu qaatay ciyaartii Bournemouth ay sida xun u bahdishay, waxaana sababta uu ku sheegay in laacibkani uu ka baqayay kulanka Liverpool ee Axadda oo kaadhkaasi uu sababay inuu ganaax kaga maqnaado.

Ferdinand ayaa yidhi: “Haddii aan anigu ahaan lahaa lahaa isaga (Marcus Rashford) oo aan lahaan lahaa aqoonta uu u leeyahay ciyaarta, waxa aan dooni lahaa kabtannimada sababtoo ah waxa uu leeyahay khibrad ku filan iyo hoggaamin.

“Waxaynu ka hadli karaynaa, haddii uu yahay ciyaartoy caalami ah iyo in kale, laakiin dhamaan ciyaartoydu way u baahan yihiin in la saaro masuuliyaddaas. Ka hor inta aanad ka hadal awooddiisa iyo in uu kubbadaha dhinaca kasoo jabiyo, dhaliyo ama caawiyo, waxa aad dooranaysaa difaaca dhinacyada si aad u abuurto saaxad uu ku ordi karayo.”

Si kastaba, Rio Ferdinand waxa uu ku adkaystay in ciyaartoyga u qalmayay kabtannimadu uu yahay Marcus Rashford oo xilli-ciyaareed xun ku jira.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga