Aabaha Dhaliyay Luis Diaz Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Wiilkiisa Ee Liverpool.

Aabaha dhalay xiddiga Liverpool ee Luis Diaz ayaa shaki galiyay mustaqbalka wiilkiisa ee kooxda Liverpool ka suuqa xagaaga.

Diaz ayaa muhiim ka noqday Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda sanadkii 2022.

Xiddiga reer Colombia ayaa kooxdisa Liverpool u dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 5 kale 39 kulan oo uu u ciyaaray xilli ciyaareedkan.

“Marna ma jirin xiiso dhab ah oo uga yimid Real Madrid ama Atletico Madrid sanadkii 2022, Liverpool ayaa mar walba ahayd kooxda ay ka go’antahay saxiixa Luis Diaz”ayuu yidhi Aabaha Diaz.

“Weli ma lumin rajadayada, Luis si fiican ayuu u ciyaarayaa, kooxaha Isbaanishka ayaana had iyo jeer ku firfircoon suuqa,” ayuu raaciyay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga