Arsenal, Liverpool Mise Man City? Micah Richards Oo Hal Koox Ka Saaray Tartanka Premier League.

Micah Richards ayaa ayaa meesha ka saaray fursadaha Liverpool ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu saadaaliyay in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka premier League.

Kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Arsenal ayaa farqiga goolasha kaga horaysa kooxda Liverpool iyada oo ay 10 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa booqanaysa kooxda Man City iyada oo la filayo in uu noqdo kulan xiiso iyo xamaasad leh.

Richards ayaa sheegay in ay Man City ka badin doonto kooxda Arsenal si ay u sii noolayso rajadooda difaacashada horyaalka.

Mar la weydiiyay in Liverpool ay ku guuleysan karto horyaalka sanadkan, Richard ayaa u sheegay Gary Lineker”Maya, kuma guuleysan doonaan horyaalka. Waxaan u maleynayaa in Arsenal ama Man City ay midkood ku guulaysan doona”

“Waxay kuxirantahay waxa dhaca axada. Hadii Arsenal ay aado Etihad oo ay badis”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga