Arsenal Kuma Guulaysan Doonto Premier League Inta….

Arsenal ayaa ku dhibtoon doonta in ay waligeed ku guulaysato Premier Leaque-ga iyada oo ku tiirsan Kai Havertz iyo Gabriel Jesus oo ah weeraryahanadooda kaliya, sida uu qabo goolhayihii hore ee Shaka Hislop.

Arsenal ayaa aad ugu dhawaatay ku guulaysiga premier League labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyada oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad.

Kooxda Mikel Arteta ayaa doonaysa in ay ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedka soo socda oo noqon doona isku daygii 3-aad oo xidhiidh ah.

Si kasta ha ahaatee Hislop ayaa aaminsan in ay sugi doonaan ku guulaysiga horyaalka ilaa inta ay la soo saxiixanayaan weeraryahan cusub.

“Difaaca ma ahan waxa ugu horeeya ee aad ka fikirto marka aad ka fikirto halka ay Arsenal u baahan tahay in ay horumar ka samayso”ayuu u sheegay ESPN.

“Rkoorka difaacooda waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan”ayuu sii raaciyay.

“Laakiin runtii waxa ay arintu joogtaa Dookhyada Arsenal ee weerarka, inkasta oo UU Havertz si fiican u ciyaaray xilli ciyaareedkii hore Laakiin anigu kuma qanacsani in uu Havertz noqdo dookhooda kaliya ee Weerarka Arsenal”.

“Anigu kuma qanacsani in ay Arsenal ku guulaysan doonto premier League iyada oo Havertz yahay weeraryahankooda”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga