Xaaska Zlatan gabadha isla weynida badan caalamka ee ka yeeshay inuu galo tartanka ciyaaraha ilaa uuka gaaro da’diisa 50 aad ”
Waa mid kamid ah xaasaska laacibiinta ee nolosheeda qarsoon tahay isla markaana dadka intooda badan aysan wax kagaraneynin inyar moyaane , lkn waa sababta 1aad ee ka yeeshay bahal diyaar u ah inuu baa’bi’iyo wax kasta oo hortiisa taagan , waa noqon karaa Zlatan mid kamid ah shaqsiyaadka iskula weyn dunida, waana noqon karaa hogaamiye xaqiiqi ah oo gudaha garoonka ah & qolka labiska lkn waa ogyahay iney mustaxiil tahay inuu sidaasi ku ahaado gurigiisa.

Guriga waxa uu joogta xaaskiisa Helinia Siger waxa uu ku sheegay wareeysi tv uu bixiyey 2018 isagoo leh :- ” Xaaskeyyga ayaa xukunta guriga mana ii ogola inaan sawir ku dhajiyo guriga dhexdiisa waxey tidhahdaa:- “sawirada Jaraa’idyada & tvyada kugu dhagan ayaa kugu filan madoonayo inaan ku arko adigoo darbiga ii suran , waxa igu filan inaan kugu arko nolosha caadiga ah ”
Hagaag taasi kaliya ayaa kugu filan inaad ku ogaatid shaqsiyada xaaska Zlatan oo aan garaneynin shaqsi kale ee awooda iney dubato Ibra cawaaqib la’aan .

Helenia hada waa 52 lkn uma sugenin lakulanka Zlatan iney nolosha kula raaxeysato markii ugu horeysay ay kulmeen waxey maamule suuq geyn ka aheyd mid kamid ah shirkadaha laga leeyahay sweden halka ay kasoo shaqeysay howlo kale waqti ay nolosheeda dhaqaale fiican ay usoo xareysay.
waxey bilowgii diiday iney cilaaqad lasameyso ibra Waxa uu ka leeyahay Zlatan m;- ” Markii ugu horeysay ee aan la kulmay waxaan isku dayey inaad kusoo jiito ama kusoo dabo gaarigeyga Ferrari & saacad dahab ah oo gacan teyda ku xirneyd lkn dhamaan kuwaas malehyn wax saameyn ah .

isku dayo badan kadib ugu dambeyn waxa uu ku guuleystay kasbashada qalbigeeda waxaana uuku qanciyey sanadkii 2005 iney kasoo tagto shaqadeeda wadajirna ugu noolaadaan magaalada Torrino ee dalka taliyaaniga , halkaasi ayey ka bilaabatay helina saameyn teeda xaqiiqiga ee Ibra, waxa ay 180 darajo badashay noloshiisa si aanu u aragno xidiga aan maanta arkeyno , mida 1aad waxa ay ka dhigtay nin masuul ah oo nidaamsan lehna ahdaaf cad oo gudaha garoonka ah & banaankiisa ,waana arin uuku ictiraafay buugiisa aniga waxaan ahay ZLatan

waxa uu ku cabiray soo galisida nolosha helena & dhalashada canugooda 1aad lamafilaankii badalay wax kasta , intaasi kadib Helina nolosheeda waxa ay ujeediyey sidii ay uhormarin laheyd seygeeda Zlatan & ka yeelida nin guuleystay , waxa ay usameysay maalgelin guuleysatay oo laba laabtay noloshiisa sidoo kale waxa ay muhiim u aheyd dhamaan qaraaradiisa kubadeed oo uu ku jiro go’aankii kusoo laabashada naadiga Milan & tartamada Yurub waxey sharad kula gashay inuu soo muujiyo ineysan ka dhamaanin waayihiisii wacnaa
waxaana ay ku tiri sida uu hore usoobandhigay mino Reola ” waxaan jira 50 sano waxaana u qabta shaqadeyda si kafican markii aan jiray 30 itusi hadaad awoodo inaad sidaasi sameyn karto..
Be the first to comment