Alan Shearer Oo Magacaagay Xiddigo Arsenal Oo Ku Guulaysan Kara Xiddiga Ugu Fiican Xiddiga Sanadka Premier League.

Halyeeyga Alan Shearer ee Newcastle United ayaa magacaabay saddex ciyaaryahan oo ka tirsan Arsenal kuwaas oo uu rumeysan yahay inay ku tartami karaan abaalmarinta Xiddiga Premier League ee xilli ciyaareedka, haddii Arsenal ay ku guuleysato horyaalka.

Isagoo ka hadlayay podcast-ka The Rest is Football, Shearer wuxuu tilmaamay David Raya, Gabriel Magalhães, iyo Declan Rice inay yihiin musharrixiin xooggan oo u tartami kara abaalmarinta shaqsiga ah haddii kooxda uu tababaro Mikel Arteta ay ku dhamaysato kaalinta koowaad ee Premier League, kana hormarto Manchester City.

Arsenal waxay la ciyaari doontaa Burnley habeenka Isniinta, ka hor inta aysan xilli ciyaareedka kusoo gabagabeyn kulan ay la yeelan doonaan Crystal Palace Axadda soo socota.

Haddii Arsenal ay badiso labadaas kulan, kooxda Arteta ayaa ku guuleysan doonta horyaalka Premier League.

Shearer ayaa yiri:“Haddii Arsenal ay ku guuleysato Premier League-ga, sida aan filayno inay sameeyaan, waxaan ku dari lahaa David Raya, Gabriel iyo Declan Rice liiska musharrixiinta.”

Wuxuu intaas ku daray:“Waxba kama dhimayo Bruno Fernandes. Wuxuu ahaa ciyaaryahan cajiib ah. Ilaahay ayaa og meesha Manchester United joogi lahayd isaga la’aantiis.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga