Wayne Rooney oo ka hadlay JJ Gabriel iyo bixitaankiisa Manchester United

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in dadka sida dhow ula socday xiddiga da’da yar ee JJ Gabriel ay muddo hore u ogaayeen inuu doonayo inuu ka tago kooxda.

Gabriel oo 15 jir ah ayaa dhawaan si rasmi ah u codsaday in laga joojiyo diiwaangelintiisa Manchester United, iyadoo wakiilkiisa uu durba wadahadallo la xiriirinayo kooxo waaweyn oo Yurub ah sida Real Madrid iyo Bayern Munich.

Rooney, oo wiilkiisa Kai ay Gabriel isku koox kasoo wada ciyaareen sannado badan, ayaa sheegay in Manchester United ay sameysay wax kasta oo ay awooddo si ay ciyaaryahanka u sii haysato, balse rabitaankiisa ah inuu mustaqbalka u ciyaaro Spain uu muddo la ogaa.

Rooney ayaa sidoo kale sheegay in Gabriel uu yahay hibo gaar ah, isla markaana uu leeyahay awood, dheellitirnaan iyo faham ciyaareed oo heer sare ah, isagoo aaminsan in haddii uu sii joogi lahaa United uu xilli ciyaareedkan fursad u heli lahaa inuu kulankiisii ugu horreeyay u safto kooxda koowaad.

Si kastaba, tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa sheegay in kooxda ay si taxaddar leh uga shaqeyn doonto xaaladda Gabriel, maadaama uu weli yahay 15 jir, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo daryeelkiisa, caafimaadkiisa iyo ilaalintiisa ilmo ahaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga