Macalinka Chelsea Xavi Alonso oo toos loogu sheegay halka ayka daciifsantahay Chelsea …

Weeraryahankii hore ee Barcelona, Gary Lineker, ayaa tilmaamay hal dhibaato oo weyn oo uu aminsan yahay in tababaraha Chelsea, Xabi Alonso, loo baahan yahay inuu xalliyo.

Lineker ayaa sheegay in Alonso laga rabo inuu si gaar ah diiradda u saaro dhibaatoyinka difaaca Chelsea haddii uu doonayo inuu guul ka gaaro Stamford Bridge.

Alonso ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkii hore, Kooxdisa ayaa ilaa hadda ciyaartay toddobo kulan oo tartamada oo dhan ah, iyadoo badisay afar, laga badiyay laba, halka hal kulan ay barbaro gashay.

Isagoo ka hadlayay qaybtii ugu dambeysay ee podcast-ka The Rest Is Football, Lineker ayaa yiri:“Tiirka asaaska u ah koox kasta oo guuleysata waa inay leedahay difaac adag.

“Ma dhalin kartid saddex ama afar gool kulan kasta. Taasi waa arrin Alonso u baahan yahay inuu wax ka qabto. Waxaan rajeynayaa in waqti badan la siin doono.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga