Camera-yinka qarsoon soo bandhigay Dagaalka & aflagaadadii dhexmartay Xidigaha Real & Athletico

Kulankii derby-ga Madrid ee u dhexeeyay Atlético Madrid iyo Real Madrid ayaa sii wata inuu dhaliyo hadal-heyn, kaddib markii muuqaallo ay kamaraduhu qabteen ay soo bandhigeen faahfaahin cusub oo ku saabsan isku dhacyo ka dhacay gudaha garoonka iyo agagaarka kuraasta keydka.

Atlético Madrid ayaa 2-1 kaga adkaatay Real Madrid garoonka Metropolitano, kulankii toddobaad ee LaLiga, iyadoo ciyaartu ahayd mid xamaasad iyo xiisad badan leh, Sida ay qortay warbaahinta Spain, gaar ahaan Marca, iyadoo muuqaalada ay duubtay DAZN lagu arkay, Gabi oo ka tirsan Atlético Madrid ayaa xilli ay xiisaddu sare u kacday sameeyay tilmaan aflagaado ah oo jirkiisa ah, isagoo u jeediyay dhanka kursiga keydka Real Madrid.

Dhacdada ayaa sii xumaatay wax yar kaddib, iyadoo kamaraduhu qabteen Gabi oo si toos ah ula hadlayay daafaca Real Madrid Antonio Rüdiger, Labada ciyaaryahan ayaa isku dhacay, iyadoo Gabi uu marar badan si caro leh ugu jeediyay hadallo iyo tilmaamo aflagaado ah dhinaca kursiga keydka Real Madrid.

Xiisadda ayaa sidoo kale gaartay kuraasta keydka labada kooxood, Pedro Machado, oo ka mid ah kaaliyeyaasha José Mourinho ee Real Madrid, ayaa kasoo baxay kursiga keydka Madrid, isagoo Gabi ugu tilmaamay inuu ku laabto qolka labiska isla markaana uu soo afjaro muranka.

Derby-ga ayaa sidaas ku noqday kulan ay ka muuqdeen isku dhacyo badan, iyadoo muranka ciyaartoyda iyo shaqaalaha keydku uu qayb ka noqday dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee kulanka, Guuldarrada 2-1 ayaa sidoo kale Real Madrid siisay natiijo xanuun badan, iyadoo Atlético ay ka faa’iidaysatay fursaddeeda si ay saddexda dhibcood ugu qaadato garoonkeeda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga