KALA BAX Yaa qaadaya Horyaalka, Supercomputer-ka oo saadaaliyey kooxda qaadan doonta premier league

Manchester City ayaa loo saadaaliyey inay ku guuleysan doonto Premier League xilli-ciyaareedka 2026/27, halka Arsenal oo xilli-ciyaareedka si wanaagsan ku bilaabatay balse guuldarro lama filaan ah kala kulantay Brighton loo saadaaliyey inay ku dhammaan doonto kaalinta labaad.

Saadaashan waxaa sameeyay BETSiE, oo ah supercomputer ay adeegsatay Betarades, kaddib markii la ciyaaray wareegii ugu dambeeyay ee Premier League, Manchester City ayaa hadda haysata bilowga ugu wanaagsan horyaalka, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay 100% ka haysato shanta kulan ee ugu horreeya, City ayaa Axaddii kulan goolal badan lahaa ku garaacday Sunderland 5-3, taasoo ka dhigtay kooxda kaliya ee ilaa waqtigaas wada badisay shantii kulan ee horyaalka.

BETSiE ayaa saadaalisay in Manchester City ay xilli-ciyaareedka ku dhammaan doonto 84 dhibcood, taasoo lagu filayo inay u suurtageliso inay qaaddo koobka Premier League, Arsenal ayaa iyaduna loo saadaaliyey inay ku dhammaan doonto kaalinta labaad, iyadoo la saadaaliyey inay heli doonto 81 dhibcood, Saadaashan ayaa timid kaddib markii Gunners ay la kulantay guuldarradii ugu horreysay ee xilli-ciyaareedka.

Kooxda Mikel Arteta ayaa Brighton kala kulantay guuldarro culus oo 3-0 ah garoonka Amex Stadium, Arteta ayaa kaddib ciyaarta qirtay in kooxdiisa ay heshay “cashar weyn”, iyadoo Brighton ay soo bandhigtay ciyaar heer sare ah, Liverpool ayaa loo saadaaliyey inay ku dhammaan doonto kaalinta saddexaad.

Farqiga u dhexeeya Liverpool iyo Arsenal ayaa saadaasha supercomputer-ka lagu sheegay inuu noqon doono mid weyn, iyadoo Reds lagu saadaaliyey inay Arsenal ka dambayn doonto 15 dhibcood, Chelsea ayaa loo saadaaliyey inay dhammaystiri doonto Top Four-ka, iyadoo lagu saadaaliyey inay xilli-ciyaareedka ku dhammaan doonto 65 dhibcood, Taasi waxay ka dhigan tahay in Manchester City, Arsenal, Liverpool iyo Chelsea ay yihiin afarta kooxood ee supercomputer-ku saadaaliyey inay ku dhammaan doonaan boosaska Champions League.

Inkasta oo Manchester United ay xilli-ciyaareedka si liidata ku bilaabatay, haddana BETSiE ayaa saadaalisay in Red Devils ay si weyn u soo kaban doonto, Manchester United ayaa hadda shantii kulan ee ugu horreeyay ka heshay 5 dhibcood oo keliya, Kooxda ayaa Axaddii ku dhoweyd inay Fulham kala kulanto guuldarradii saddexaad ee Premier League, balse Matheus Cunha ayaa dhaliyey gool daahay oo United u horseeday inay ugu dambeyn hesho hal dhibic, Si kastaba, supercomputer-ku wuxuu saadaaliyey in Manchester United ay xilli-ciyaareedka ku dhammaan doonto kaalinta shanaad.

Sidaan ayuu jadwalka ku saadaaliyey Super Computer.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga