Kooxaha Premier League ayaa sanadkan mushaharka ciyaartoyda ku bixinaya lacag aad u badan oo gaareysa £1.63 bilyan, iyadoo xog cusub oo ay soo saartay Spotrac ay muujineyso heerka weyn ee lacagaha ay kooxaha horyaalka Ingiriiska ku bixiyaan mushaharrada, Arsenal ayaa hogaamineysa liiska mushaharka ciyaartoyda, iyadoo kooxda London ay sannadkii ku bixineyso ku dhowaad £175.24 milyan.
Manchester City ayaa ku jirta kaalinta labaad, iyadoo sanadkii mushaharka ciyaartoyda ku bixisa £165.72 milyan. Inkastoo City ay heysato ciyaaryahanka ugu mushaharka badan horyaalka, Erling Haaland, haddana wadarta mushaharka kooxda waxay ka hooseysaa Arsenal, Liverpool ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta liiska, iyadoo mushaharkeeda guud uu gaarayo £165.1 milyan sanadkii. Virgil van Dijk ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan kooxda.
Manchester United ayaa iyaduna ku jirta kaalinta afaraad, iyadoo sanadkii mushaharka ciyaartoydeeda ku bixisa £157.9 milyan, Marka la isku daro lixda kooxood ee waaweyn ee Arsenal, Manchester City, Liverpool, Manchester United, Tottenham iyo Chelsea, waxay ciyaartoydooda ku bixiyaan £896.92 milyan sanadkii, Taasi waxay ka dhigan tahay in lixda kooxood oo kaliya ay qaataan qiyaastii 54.9 boqolkiiba dhammaan lacagta mushaharka ee Premier League.
Celceliska mushaharka koox kasta oo ka tirsan lixda kooxood wuxuu gaarayaa qiyaastii £149.5 milyan sanadkii, halka 14-ka kooxood ee kale celcelis ahaan ay bixiyaan ku dhowaad £52.5 milyan koox kasta.

Be the first to comment