Atlético Madrid ayaa ku guuleysatay Derby-ga Madrid kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Real Madrid kulan ka dhacay garoonka Wanda Metropolitano ee La Liga,Álex Grimaldo ayaa Atlético Madrid u dhaliyay goolka koowaad daqiiqaddii 53-aad, halka Jonathan David uu lix daqiiqo kadib, daqiiqaddii 59-aad, dhaliyay goolka labaad.
Real Madrid ayaa goolka rajo geliyay dhalisay daqiiqaddii 89-aad, waxaana u saxiixay daafaca Antonio Rüdiger, balse kooxda ayaa ku guuldarreysatay inay hesho goolka barbaraha.
Dhanka kale, dhacdo xiiso leh ayaa dhacday daqiiqaddii 38-aad, waxaana isku dhacay xiddiga Real Madrid Jude Bellingham iyo daafaca Atlético Madrid Cristian Romero, Bellingham ayaa isku dayay inuu kubadda ku qaato faragelin dhulka ah, waxaana labada ciyaaryahan ay isku dhaceen kadibna dhulka ku wada dhacay.
Garsooraha ayaa markii hore Bellingham siiyay kaarka jaallaha ah, taasoo xiddiga reer England uu si weyn uga mudaharaaday, Bellingham ayaa ku dooday in Romero uu sii waday faragelintiisa kadib isku dhaca, isla markaana biraha kabaha Romero ay kula istaagay jilibkiisa, Kadib markii VAR ay dib u eegtay dhacdada, kaarka jaallaha ah ee Bellingham waa la kansalay, waxaana halkiisa kaarka jaallaha ah la siiyay Cristian Romero.
Romero ayaa markaas Bellingham ku yiri hadal ka tarjumayay inuusan ku qanacsanayn mudaharaadka xiddiga Real Madrid:- “Aad baad u ooyaysaa.”
Dhacdadan ayaa noqotay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu hadal haynta badnaa ee Derby-ga Madrid, kaasoo ugu dambeyn Atlético Madrid ku dhammeystay guul 2-1 ah.
Be the first to comment