Manchester United ayaa dhibco lumisay kadib markii ay 1-1 kula kala baxday Fulham kulan ka tirsanaa wareegga shanaad ee Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, Kulanka oo lagu ciyaaray garoonka Fulham ayaa qaybtii hore ku dhammaaday 0-0, iyadoo labada kooxood aysan awoodin inay shabaqa soo taabtaan 45-kii daqiiqo ee hore.
Qaybtii labaad, Fulham ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 63-aad, kaddib markii kubad uu badbaadiyay goolhayaha Manchester United ay gaartay Lisandro Martínez, kaasoo si khalad ah ugu leexiyay shabaqa kooxdiisa, Manchester United ayaa isku dayday inay jawaab ka bixiso goolkaas, waxaana daqiiqaddii 86-aad ay dalbatay rigoore, balse garsooraha ayaa diiday inuu bixiyo, taasoo caro ka dhalisay dhinaca kooxda uu hoggaamiyo Michael Carrick.
Ugu dambeyn, Manchester United ayaa heshay goolka barbaraha daqiiqaddii 89-aad, waxaana u dhaliyay Matheus Cunha, sidaas ayaana ciyaartu ku dhammaatay 1-1, Natiijada ayaa Manchester United siisay hal dhibic, iyadoo wadarta dhibcaheedu gaartay 5 dhibcood, kuna jirta kaalinta 12-aad.
Fulham ayaa iyaduna heshay dhibic, balse waxay leedahay 2 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 19-aad, Natiijadan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay Tottenham Hotspur, oo hoos ugu dhacay kaalinta 20-aad iyo tan ugu dambeysa ee Premier League.
Be the first to comment