Raphinha oo Messi dhaafay, Barcelona oo sii dheereysatay bilowgeeda taariikhiga ah

Raphinha ayaa markale bandhig cajiib ah sameeyay, isagoo saddex gool ka dhaliyay Sevilla, kuna hoggaamiyay Barcelona guul 3-1 ah oo ay ka gaartay garoonka Ramón Sánchez-Pizjuán, kulan ka tirsanaa wareegga 7-aad ee La Liga, Saddexleyda uu dhaliyay ayaa Raphinha gaarsiisay 12 gool toddobadii kulan ee ugu horreeyay horyaalka, taasoo ka dhigtay inuu dhaafo rikoodhkii Lionel Messi ee heerkan xilli ciyaareedkii 2017/18.

Sida laga soo xigtay xogta Opta, Messi wuxuu dhaliyay 11 gool toddobadii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedkaas, Dhanka kale, Cristiano Ronaldo ayaa weli haya tirada ugu sarreysa qarnigan 21-aad, isagoo 13 gool dhaliyay toddobadii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedkii 2014/15, inkastoo uu hal kulan dhaawac ku maqnaa, Raphinha ayaa sidaas darteed hal gool u jira inuu barbarreeyo Ronaldo, halka uu hal gool kaga sarreeyo tiradii Messi.

Tani waxay ahayd saddexleyda labaad ee Raphinha laba kulan oo isku xigta, kadib markii uu sidoo kale saddex gool ka dhaliyay kulankii Barcelona ay 7-2 kaga adkaatay Racing Santander.

Barcelona ayaa sidaas darteed Raphinha u tirisay 9 gool lixdii kulan ee hore, waxaana uu saddexda uu Sevilla ka dhaliyay ku daray wadarta guud oo gaartay 12 gool.

Guusha Sevilla ayaa Barcelona siisay 21 dhibcood toddobadii kulan ee La Liga, iyadoo kooxda Hansi Flick ay wada badisay dhammaan toddobada kulan ee horyaalka, Barcelona ayaa sidoo kale gaartay siddeed guul oo xiriir ah dhammaan tartamada tan iyo markii uu xilli ciyaareedku bilowday.

Kooxda reer Catalonia ayaa sidaas ku sii xoojinaysa hoggaanka horyaalka, iyadoo waqtigaas lix dhibcood ka sarreysay Real Madrid, oo Axaddii la ciyaaraysay Atlético Madrid.

Xigasho: Reuters / Opta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga