Barcelona ayaa maanta, Sabti 19 Sebtembar 2026, marti u ah Sevilla, iyadoo labada kooxood ay ku kulmayaan garoonka Ramón Sánchez Pizjuán kulan ka tirsan wareegga 7-aad ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/27.
Barcelona ayaa kulankan ku jirta hoggaanka horyaalka iyadoo leh 18 dhibcood oo buuxa, halka Sevilla ay ku jirto kaalinta 5-aad iyadoo haysata 13 dhibcood.
Kooxda tababare Hansi Flick ayaa doonaysa inay sii waddo bilowgeeda wanaagsan ka hor fasaxa xulalka. Barcelona ayaa kulankan soo galaysa kadib markii ay Arbacadii 7-2 ku garaacday Racing Santander garoonka Camp Nou.
Waqtiga ciyaarta
- 🇸🇴 11:00 habeenimo – waqtiga Soomaaliya
- 🇸🇦 10:00 habeenimo – waqtiga Sacuudiga
- 🇪🇬 10:00 habeenimo – waqtiga Masar
Kanaalka
Kulanka waxaa baahinaya Somalifantasy.com , beIN Sports HD1.
Soo jeediyaha: Hassan Al-Aydarous.
Safka Barcelona ee la filayo
Goolhaye: Szczęsny
Difaaca: Eric García, Pau Cubarsí, Gerard Martín, Chavi Espart
Khadka dhexe: Fermín López, Rodri, Pedri
Weerarka: Lamine Yamal, Raphinha, Gordon
Be the first to comment