Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa ka hadlay bilowga wanaagsan ee Barcelona xilli ciyaareedkan, isagoo sheegay inuusan jeclayn inuu si qoto dheer uga hadlo kooxaha kale maadaama uusan gudaha kooxdaas joogin.
Mbappé oo la hadlay Diario AS ayaa yiri:- “Barcelona si xooggan ayay ku bilaabatay? Waa wax fiican iyaga.”
Wuxuu intaas ku daray:- “Ma jecli inaan ka hadlo kooxaha kale, sababtoo ah halkaas kama mid ihi.”
Mbappé ayaa sidoo kale xusay in Barcelona ay haatan guulo gaareyso, balse uu xilli ciyaareedku weli yahay bilowgiisa:-“Way guulaysanayaan, laakiin waa bilowga xilli ciyaareedka.”
Hadallada Mbappé ayaa imanaya xilli Real Madrid iyo Barcelona ay mar kale ku loollamayaan tartanka LaLiga.
Be the first to comment