Eden Hazard oo kahadlay Qaab ciyaareedka Vini JR & kusoo laabashada Mourinho Real Madrid…

Halyeeyga Belgium-ka Eden Hazard ayaa ka hadlay xaaladda Vinícius Júnior ee Real Madrid, xilli xiddiga reer Brazil uu wajahayo dhaleeceyn badan kadib hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa labadii sano ee lasoo dhaafay, Vinícius oo 26 jir ah ayaa xilli ciyaareedkan Real Madrid u dhaliyay hal gool oo keliya, isagoo sidoo kale sameeyay 3 caawin 7 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan. Taageerayaasha Madrid ayaa sidoo kale dhowaan ku tuuray foori iyo dhaleeceyn.

Hazard wuxuu sheegay in Real Madrid ay ugu muhiimsan tahay inay guulaysato, isagoo xusay in Vinícius uu u baahan yahay inuu goolal dhaliyo, balse aysan hadda muhiim ahayn haddii uu isagu gool dhaliyo iyo haddii kale, haddii kooxdu guul gaareyso, Hazard ayaa sidoo kale taageero u muujiyay José Mourinho, kaasoo mar kale loo magacaabay tababaraha Real Madrid, Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashada Mourinho, isagoo aaminsan inuu leeyahay khibradda iyo awoodda uu ugu guulaysan karo kooxda.

Hazard wuxuu intaas ku daray in Real Madrid ay leedahay ciyaartoy tayo sare leh, sidaas darteedna la sugo waxa Mourinho uu kooxda la gaari doono, Hazard iyo Mourinho waxay hore uga soo wada shaqeeyeen Chelsea, iyagoo si wadajir ah ugu guuleystay Premier League xilli ciyaareedkii 2014/15.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga