Xiddiga kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa mar kale hadal hayn ka dhaliyay abaalmarinta Ballon d’Or 2026, isagoo si cad u sheegay inuu aaminsan yahay inuu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta, Mbappé oo 27 jir ah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee ku tartamaya Ballon d’Or-ka sanadkan, iyadoo uu doonayo inuu markii ugu horreysay taariikhdiisa ku guuleysto abaalmarinta.
Mbappé ayaa wareysi uu siiyay wargeyska AS kaga hadlay fursaddiisa Ballon d’Or, wuxuuna sheegay:-“Aragtidayda shaqsiga ah, sanadkan xaaladuhu waxay ku habboon yihiin inaan ku guuleysto Ballon d’Or.”
Wuxuu intaas ku daray inuu muhiim u yahay in abaalmarintu mar kale ku soo laabato garoonka Santiago Bernabéu:- “Ballon d’Or-ku waa inuu ku soo laabtaa Santiago Bernabéu, si farxad loogu abuuro taageerayaasha, waayo iyaga ayaa taas wax kasta ka mudan.”
Mbappé ayaa wajahaya tartan adag, waxaana liiska musharraxiinta ku jira xiddigo dhowr ah oo waaweyn, Waxaa si gaar ah loo hadal hayaa Lamine Yamal, garabka Barcelona, iyo weeraryahanka Bayern Munich, Harry Kane, Yamal ayaa sidoo kale hore u sheegay inuu aaminsan yahay inuu yahay ciyaaryahanka sida weyn ugu qalma Ballon d’Or-ka sanadkan.
Inkasta oo Mbappé uu si cad u sheegay inuu doonayo abaalmarinta, haddana wuxuu amaan gaar ah u jeediyay Lamine Yamal.
Mbappé wuxuu yiri:- “Waa ciyaaryahan aad u hibaysan, waxaana u malaynayaa inuu yeelan doono mustaqbal ciyaareed oo weyn. Waxaan u rajaynayaa nasiib wanaagsan” , Hadalkan ayaa imanaya xilli doodda Ballon d’Or 2026 ay sii xoogaysanayso, iyadoo Mbappé iyo Yamal ay labaduba si kala duwan uga hadleen cidda u qalanta abaalmarinta.
Be the first to comment