SHAXAHA Manchester City iyo Manchester United mid kastoo oo shax xul ah la yimid …..

Manchester City iyo Manchester United ayaa isku diyaarinaya Manchester Derby, iyadoo labada kooxood ay shaaciyeen safafkooda bilowga ah.

Manchester City ayaa shaxda kusoo bilowday Gianluigi Donnarumma, iyadoo difaaca ay hoggaaminayaan Guéhi iyo Gvardiol, halka khadka dhexe iyo weerarka ay ka muuqdaan Foden, Cherki, Semenyo iyo Erling Haaland.

Dhanka kale, Manchester United ayaa kusoo bilaabatay Lammens, waxaana safka weerarka ku jira Marcus Rashford, Cunha iyo Bryan Mbeumo, halka Bruno Fernandes uu hoggaaminayo khadka dhexe.

Kulanka ayaa si gaar ah indhaha loogu hayaa Haaland iyo Mbeumo, kuwaas oo laga filayo inay hoggaamiyaan weerarrada kooxahooda.

Manchester United ayaa doonaysa inay City ka qaadato dhibcaha, halka City ay iyaduna raadinayso guul ay kaga adkaato kooxda ay magaalada wadaagaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga