WAR CULUS :- Carragher oo shaki geliyay mustaqbalka Michael Carrick ee Manchester United …..

Jamie Carragher ayaa si weyn u dhaliilay tababaraha Manchester United Michael Carrick, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay “xal ku-meel-gaar ah” inkastoo kooxda si rasmi ah ugu dhiibatay xilka tababarenimo, Carrick ayaa loo magacaabay tababaraha joogtada ah kadib markii uu xilli ciyaareedkii hore si wanaagsan uga soo shaqeeyay xilka ku-meel-gaarka ah, isagoo Manchester United ku hoggaamiyay kaalinta saddexaad iyo u soo bixitaanka Champions League.

Si kastaba, Carragher ayaa qaba in Carrick uusan weli caddeyn inuu yahay tababare awood u leh inuu Manchester United u horseedo koobabka waaweyn, Isagoo qoraal ku qoray Daily Telegraph, Carragher wuxuu sheegay in dad badan ay weli Carrick u arkaan “xal ku-meel-gaar ah oo magac rasmi ah loo bixiyay”, isla markaana laga yaabo in kooxda ay xagaaga 2027 raadsato tababare magac weyn leh.

Carragher ayaa sidoo kale sheegay in uusan aaminsanayn in Manchester United ay Premier League ama Champions League ku guuleysan doonto iyadoo Carrick tababare yahay, Si kastaba, wuxuu qiray in natiijooyinka Carrick ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, balse uu sheegay in tababarayaasha koobabka waaweyn ku guuleysta ay leeyihiin waxa uu ku tilmaamay “X-factor” iyo aura gaar ah, taas oo Carrick uu weli u baahan yahay inuu caddeeyo inuu leeyahay.

Manchester United ayaa sidoo kale taageertay Carrick suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo ku bixisay ku dhawaad £140 milyan Youri Tielemans, Carlos Baleba iyo Andrey Santos.

Kooxda ayaa haddana si aan wanaagsanayn ku bilaabatay Premier League, iyadoo haysata hal guul, hal barbaro iyo hal guuldarro, waxaana kulankii furitaanka 2-0 kaga adkaaday Hull City.

Carrick ayaa fursad weyn u haysta inuu ka jawaabo dhaleeceynta Carragher marka Manchester United ay Manchester City ku qaabilayso Old Trafford, United ayaa kulankan ku soo galaysa kadib guushii weynayd ee 4-0 ay Sabah kaga gaartay Champions League, balse kulanka City ayaa noqonaya imtixaan aad uga culus, waxaana laga doonayaa Carrick iyo ciyaartoydiisa inay muujiyaan inay la tartami karaan kooxaha ugu sarreeya Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga