Flick Oo Ka Hadlay Weeraryahanka Cusub Ee Barcelona, Mustaqbalka Ferran Torres Iyo Xiddigaha La Masia

Tababaraha Barcelona, Hans-Dieter Flick, ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha kooxda ee saxiixa weeraryahan cusub uu si weyn ugu xiran yahay mustaqbalka Ferran Torres, iyadoo kooxda ay wali raadineyso beddelka weeraryahankii hore Robert Lewandowski, oo kooxda ka tagay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Barcelona ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku dayaysay inay lasoo saxiixato weeraryahanka Julián Álvarez, balse Atlético Madrid ayaa diiday inay fasaxdo xiddiga reer Argentina.

Dhanka kale, Flick ayaa fursad siiyay weeraryahanka da’da yar ee Masar Hamza Abdel Karim, kaasoo si weyn u iftiimay kulankii saaxiibtinimo ee Birmingham City isagoo dhaliyay laba gool.

Flick: Waxaan Kalsooni Buuxda Ku Qabaa Deco, isagoo la hadlay warbaahinta, Flick wuxuu sheegay in xerada tababarka Barcelona ee England ay ahayd mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee uu abid hoggaamiyo.

Wuxuu sidoo kale ammaan u jeediyay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Deco, isagoo yiri: “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa Deco, Waan ognahay inaan wax ka qabaneyno booska weeraryahanka, laakiin arrintaasi waxay sidoo kale ku xirnaan doontaa waxa dhaca Ferran Torres.”

Flick ayaa sheegay in Lamine Yamal uu mararka qaar u ciyaari karo weeraryahan been abuur ah (False 9), inkastoo booskiisa ugu wanaagsan uu yahay garabka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Anthony Gordon iyo Karim Adeyemi ay labaduba awood u leeyihiin inay ka ciyaaraan weeraryahan dhexe iyo labada garab, taasoo Barcelona siinaysa doorashooyin badan.

Markii wax laga weydiiyay suuragalnimada in Barcelona ay soo iibsato ciyaaryahan khadka dhexe ah kadib dhaawaca Frenkie de Jong, Flick wuxuu sheegay: – “Kooxdu mar walba waxay dooneysaa inay sii xoogeysato laakiin hadda waxay haystaan ciyaartoy badan oo khadka dhexe ah, go’aan kasta waxaa la qaadan doonaa toddobaadyada soo socda.

Flick ayaa sidoo kale ka hadlay ciyaaryahanka cusub Jesse Bessio, isagoo sheegay inuu yahay ciyaaryahan xawaare badan leh oo hibo leh, isla markaana qorshuhu yahay inuu la tababarto kooxda koowaad.

Tababaruhu wuxuu si gaar ah u ammaanay tayada da’yarta La Masia, isagoo xusay magacyo ay ka mid yihiin:

Hamza Abdel Karim
Ebrima Tunkara
Orian
Xavi Espart
Héctor Fort

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga