Jack Grealish Oo Albaabada u Garaacaya Ka Tagista Manchester City, Atletico Madrid Iyo Kooxo Kale Oo U Tartamaya Saxiixiisa

Mustaqbalka xiddiga Manchester City  Jack Grealish ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo suuqa kala iibsiga hadal hayo suuqa kala iibsiga, iyadoo kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ay si lama filaan ah u muujisay xiisaha ay u qabto saxiixiisa.

Wararka ayaa sheegaya in tababaraha Atletico Madrid, Diego Simeone, uu u arko Grealish ciyaaryahan si fiican ugu habboon qaab ciyaareedkiisa, maadaama uu si weyn uga shaqeeyo weerarka iyo difaaca labadaba. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa wajahaya caqabado, maadaama Atletico ay hore u haysato ciyaartoy badan oo ka ciyaara garbaha, sida Lee Kang-In, Alex Baena, Thiago Almada iyo Ademola Lookman. Haddii uu ku biiro kooxda reer Madrid, Grealish waxaa la filayaa inuu aqbalo doorka ciyaaryahanka waqtigiisa wareeg ah oo uu usugo kulamada qaar kursiga keydkana liintana ku cabo.

Grealish ayaan qayb ka noqon safarkii Manchester City ee is diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Hong Kong iyo Seoul, inkastoo uu dib ugu soo laabtay tababarka kadib dhaawac cagta ah oo ka soo gaaray xilli uu amaah ugu ciyaarayay Everton. Haatan wuxuu tababar la qaadanayaa kooxda reer Spain ee RCD Mallorca si uu u ilaashado taam ahaanshihiisa isla markaana u soo jiito kooxaha daneynaya saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga