FADEEXAD WEYN Liverpool oo dhulka lagu jiiday & guuldaro fool xun oo dhabarka loo saariyey

Kooxda Liverpool, oo uu hoggaaminayo tababare Andoni Iraola, ayaa guuldarro 4-2 ah kala kulantay Leeds United kulankeedii saddexaad ee saaxiibtinimo ee ay isku diyaarinaysay xilli ciyaareedka 2026/27.

Kulanka oo ka dhacay garoonka Soldier Field, Liverpool ayaa si xooggan ku bilaabatay ciyaarta, iyadoo gool degdeg ah heshay daqiiqaddii 7-aad, waxaana u dhaliyay Luke Chambers.

Intii aan la gaarin dhammaadka qeybta hore, Florian Wirtz ayaa dhaliyay goolka labaad ee Liverpool daqiiqaddii 40-aad, taasoo ka dhigtay in Reds ay nasashada ku aadaan iyagoo 2-0 ku hoggaaminaya.

Si kastaba ha ahaatee, qeybtii labaad ayay wax walba is beddeleen. Brenden Aaronson ayaa Leeds u dhaliyay goolka koowaad daqiiqaddii 60-aad, halka Dominic Calvert-Lewin uu barbaraha keenay daqiiqaddii 71-aad.

Laba daqiiqo kaddib, Sean Longstaff ayaa Leeds siiyay hoggaanka ciyaarta isagoo dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 73-aad.

Daqiiqaddii 85-aad ayuu mar kale Dominic Calvert-Lewin shabaqa soo taabtay, isagoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyo goolkii afaraad ee Leeds, taasoo xaqiijisay guusha 4-2.

Guuldarradan ayaa noqotay kulankii saddexaad ee saaxiibtinimo ee Liverpool xagaagan, kaddib markii ay horay uga adkaatay Sunderland 4-2 iyo Wrexham 1-0.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga