WAR CULUS casemiro oo riyo xun ku bilaabay inter miami – khalad laba-jibaar ah oo messi ka yaabiyay

Xiddigii hore ee Manchester United, Casemiro, ayaa la kulmay bilow aad u xun kulankiisii ugu horreeyay ee guriga uu u safto Inter Miami, kadib markii uu sameeyay labo khalad oo isku xigay oo sababay in kooxdiisa gool laga dhaliyo.

Casemiro oo 34 jir ah ayaa toddobaadkii hore si xor ah ugu biiray Inter Miami, kadib markii uu ka tagay Manchester United. Kulankiisii ugu horreeyay ayuu 90 daqiiqo ciyaaray, iyadoo Miami 1-0 ku garaacday Montreal.

Laakiin kulankii guriga ee Columbus Crew ayaa si xun ugu bilowday.

Markii ay Inter Miami 1-0 ku hoggaamineysay gool uu dhaliyay Luis Suarez, Casemiro ayaa daqiiqaddii 33-aad kubadda si fudud u lumiyay isagoo aan cadaadis saarneyn.

Wax yar kadib Columbus Crew ayaa qaaday weerar degdeg ah, waxaana kubbad lagu soo karoosay xerada ganaaxa, taasoo Casemiro si kama’ ah ugu leexiyay shabaqiisa, isagoo iska dhaliyay gool.

Messi oo si cad uga xanaaqay, Kaamiradu waxay qabatay Lionel Messi oo kursiga keydka fadhiya, isagoo wajigiisa ay ka muuqatay caro iyo niyad-jab kadib khaladka weyn ee saaxiibkiis cusub.

Taageerayaal badan ayaa baraha bulshada ku faafiyay muuqaalka, iyagoo si weyn u dhaliilay Casemiro.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa yiri: “Casemiro kubadda ayuu iska lumiyay isagoo aan cidina cadaadis saarin, kadibna isla weerarkii ayuu gool iska dhaliyay. Wajigiisa ayaa sheegay wax walba.”

Qof kale ayaa qoray: “Wuxuu hadda ka qoomameynayaa inuu Manchester United ka tagay.”

Mid saddexaad ayaa yiri: “Goolkiisii ugu horreeyay ee Inter Miami wuxuu noqday gool uu iska dhaliyay.”

Inter Miami oo barbaro lagu qabtay

Inkasta oo Noah Allen uu mar kale hoggaanka u dhiibay Inter Miami dhammaadkii qeybtii hore, haddana Columbus Crew ayaa dib u soo laabatay.

Messi ayaa beddel ku soo galay qeybtii labaad, isagoo ciyaaray 37 daqiiqo kulankiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ka soo laabtay niyad-jabkii Koobka Adduunka ee Argentina.

Si kastaba ha ahaatee, Brais Méndez ayaa daqiiqaddii 84-aad dhaliyay goolka barbaraha, waxaana ciyaartu ku dhammaatay 2-2.

Hadalkii Casemiro ee Messi oo dib loo xusuustay

Dhacdadan ayaa timid maalmo un kadib markii Casemiro uu si weyn u ammaanay Lionel Messi.

Casemiro wuxuu yiri: “Ciyaaryahan kasta wuxuu ku riyoodaa inuu la ciyaaro kan ugu wanaagsan taariikhda. Aniga waxaan rumeysanahay inaan hadda la ciyaarayo ciyaaryahanka ugu fiican abid. Messi waa mid ka mid ah ilaahyada kubadda cagta, haddii uusanba ahayn ilaaha kubadda cagta. Waxaan doonayaa inaan ka caawiyo inuu sii guuleysto, aniguna waan ku faraxsanahay inaan garabkiisa ka ciyaaro.”

Bilowga Casemiro ee Inter Miami ayaa sidaas ku noqday mid ay hadheeyeen khaladaad culus, iyadoo taageerayaashu hadda sugayaan inuu si degdeg ah uga soo kabto kulamada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga