Waxaa sii xoogeysanaya dhaleeceynta loo jeedinayo Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, iyadoo Madaxweynaha La Liga Javier Tebas uu ku baaqay in Infantino uu ka dego xilka hoggaanka kubadda cagta adduunka.
Tebas ayaa sheegay in dhibaatadu aysan ku koobnayn hal go’aan oo qaldan, balse ay la xiriirto habka maamulka FIFA oo uu ku tilmaamay mid awoodda lagu ururiyey hal dhinac, isla markaana aan la tashi ku filan lala sameyn kooxaha ay go’aannadu saameeyaan.
Maxaa sababay dhaleeceynta?
Infantino ayaa wajahaya cambaareyn xooggan kadib dhacdooyin badan oo muran dhaliyay intii lagu jiray iyo kadib Koobka Adduunka, waxaana ka mid ahaa:
- Muranno la xiriiray garsoorka tartanka.
- Eedeymo ku saabsan faragelin siyaasadeed, kaddib markii la sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu gacan ka geystay in la qaado ganaaxii saarnaa Folarin Balogun ka hor kulankii Mareykanka iyo Belgium ee wareegga 16-ka.
- Ka saarista garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan ee Koobka Adduunka.
Waxaa sidoo kale muran weyn dhaliyay qorshe uu Infantino soo bandhigay oo ahaa in saamiyo ka mid ah FIFA laga iibiyo maalgeliyeyaal gaar ah si ay u maamulaan tartamada waaweyn sida Koobka Adduunka.
UEFA oo diidday qorshaha
Cadaadiskii xooganaa ee ka dhashay qorshahaas ayaa sababay in Infantino uu si degdeg ah uga laabto.
Sidoo kale, dalalka xubnaha ka ah UEFA> ayaa ku dhawaaqay inay qaadacayaan tartamada FIFA haddii qorshayaashaas la sii wado.
Tebas: “Kubadda cagtu waxay u baahan tahay hoggaan cusub”
Tebas ayaa sheegay:
“Ma aha in xiriirrada qaaradaha, horyaallada iyo ciyaartoydu ay u arkaan arrintu inay ku dhammaatay ka noqoshada hal qorshe. Dhibaatadu way ka weyn tahay taas.”
Wuxuu xusay arrimo kale oo uu ku eedeeyay Infantino, sida:
- Faragelinta siyaasadeed ee arrimaha ciyaaraha.
- Baaritaannada laga furay Kongareeska Mareykanka.
- Go’aanno muran dhaliyay oo ku saabsan tartamada cusub iyo qaab-dhismeedkooda.
- Qiimaha sare ee tigidhada Koobka Adduunka.
- Go’aanno la gaaray iyada oo aan lala tashan xiriirrada, kooxaha iyo ciyaartoyda.
“Infantino waa inuu baxaa”
Gabagabadii, Madaxweynaha La Liga ayaa sheegay in kubadda cagtu u baahan tahay hoggaan cusub oo dib u soo celiya kalsoonida maamulka FIFA, isla markaana go’aannada muhiimka ah lagu saleeyo wadatashi iyo qiimeyn dhinacyada ciyaaraha, dhaqaalaha iyo bulshada.
Tebas wuxuu ku adkeystay in ka noqoshada qorshihii saamiyada FIFA aysan tirtireyn khaladaadkii iyo murannadii hore, sidaas darteedna uu aaminsan yahay in Gianni Infantino uusan sii ahaan karin Madaxweynaha FIFA.
Be the first to comment